|

Minneapolis Oo Toddobaadyo Gudahood Lagu Dilay Wiilkii Labaad Ee Soomaali ah

mineapolisMinneapolis:19-Aug-2013- (SDN)- Sida ay Xaqiijiyeen  jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee dalkan Maraykanka, kooxo hubeysan ayaa xaafad ka tirsan maagalada Minneapolis ku dilay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey  Cabdi Fataax Maxamuud.

Dilkan waxaa ka horreeyay wiil kale oo isna dhowr toddobaad ka hor lagu dilay isla Gobalka Minnesota oo ah halka ugu badan  ee ay ku nool yihiin  Soomaalida Maraykanka ku dhaqani.

Cabdimaalik Xasan Maxamed, oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka urur dhallinyaro oo lagu magacaabo Ka Joog ayaa VOA u sheegay in labada dil loo maleynaayo in uu xidhiidh ka dhexeeyo, wuxuuna intaas ku daray in hey’addaha ammaanka ay wadaan baadhitaan.

Cabdi Maalik ayaa sidoo kale sheegay in dhacdooyinkan ay aad uga walwaleen waalidiinta Soomaalida ee ku dhaqan Minneapolis.

Si kastaba ha Ahaatee Soomaalida ku dhaqan Minnieapolis, ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay ka nastay dilalka loo geysto dhallinyarada Soomaalida iyadoo kal hore dhallinyaro badan oo Soomaali ah lagu dili jiray.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka dhallinyarada ee Ka-Joog ayaa ugu baaqay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Gobalka Minnesota in ay la shaqeeyaan hey’addaha ammaanka si gacan loogu soo dhigo dambiilayaasha dilalka geysta.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed