|

Militeriga Suuriya Oo Shaaciyey Inay Dhulka Soo Dhigeen Diyaarad Maraykanku Lahaa Oo Drones ahayd

Damascas:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Militeriga waddanka Suuriya, ayaa shaaca ka qaaday inay dhulka soo dhigeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ahayd oo dalka maraykanku lahaa.

laabpDiyaaradan ayaa lagu soo riday waqooyi galbeed Suuriya, gaar ahaan magaalada Latakia oo ay ku xoogan yihiin Ciidamada Bashar Al-Asad.

Saraakiil ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in diyaarada Drone ay ku waayeen hawada Suuriya, iyagoo aanay kala cadeyn in la soo riday iyo in kale.

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa soo bandhigay muuqaalada diyaaradan aan duuliyaha laheyn ee ay soo rideen Ciidamada Suuriya, taas oo Burburkeedu dhulka yaallo.

Dowladda Suuriya oo dagaal kula jirta Xoogaga Daacish iyo Jabhado kale ayaan qeyb ka aheyn isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee dagaalka kula jira Daacish.

Waa markii u horeysay ee ay Suuriya ay soo rido diyaarad uu leeyahay Mareykanka, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Daacish.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed