|

Militeriga Masar Haysta Oo Deldelaad La Maagan Madaxweyne Mursi Oo Xabsiga ugu jira

Caira:Nov,21,2014(SDN/QJ)-Militeriga dalka Masar Gacanta ku Haya, ayaa wada Qorshe dil ay kula tiigsanayaan Madaxweynihii Dalkaas Mursi oo muddo dheer ay xabsiga ku hayaan.

qatXeer ilaalinta dalkaas oo fulinaysa amarka Madaxweyne ZIZI ayaa la sheegay inay markii labaad Maxkamadda ka codsatay inay dil ku xukunto madaxweynaha, iyagoo kusoo oogay kiisas been abuur ah oo aan jirin.

Madaxweynihii hore ayaa lagu soo eedeeyey inuu Sirta Qaranka uu gudbiyey dowlado shisheeye oo ay ka mid tahay Iran.

Dacwada xeer illaalinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maxamed Morsi uu la shaqeynayey ururka Xamaas si ay khal khal u geliyaan amaanka wadanka Masar.

Hogaamiyihii hore ee Masar ayey maxkamada la saaran yihiin 34 qof oo kale oo kamid ahaa xisbigiisa Ikhwaan Muslimiinka.

Maxamed Morsi ayey hore ugu socotay dacwad kale oo loo heystay in taageerayaashiisa uu u fasaxay dilka dad mucaarid ah oo ku mudaharaadayey intuu xilka hayey, dacwadaasi oo ay sidoo kale xeer illaalinta dalbatay in dil lagu xukumo.

Maxamed Mursi ayaa ahaa madaxweynihii u horeeyey ee dalka Masar ee si Dimoqraaddi ah loo soo doorto, waxaana inqilaabey Generaalkii uu u magacaabey Ciidanka Miletriga Masar.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed