Milatariga Dalka Thailand Oo Xukun Deg Deg Ah Ku Soo Rogay Dalkaasi
21,May,2014(SDN/QJ)-Waddanka Thailand,oo la daaladhacaya Isu soo baxyo rabshado wata ayaa la sheegayaa in haatan uu Milatariga Dalkaasi soo rogay Xukun Deg-deg ah oo dalkaasi ka dhaqan gali doono ilaa mudoo aan la cayimin wakhtiga ay ku eegtahay.
Taliyaha Ciidamada, General Prayuth Chan-Ocha oo televishanka kala hadlayey shacabka ayaa difaacey tallaabadaasi, kuna tilmaamey mid muhiim u ah in lagu xaliyo xasaradda siyaasadeed ee waddanka ka jirta.
Waxaa uu shacabka ugu baaqey inay is dejiyaan isla markaana ay si caadi ah u gutaan hawlahooda.
General Prayuth ayaa maanta kulan la yeeshey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee hay’adaha dowladda. Waxaa uu ugu baaqey kooxaha iska soo horjeeda inay yeeshaan wadahadal, waxaana uu sheegay in xukunka deg-degga ah ee ay milatariga soo rogeen uu jiri doono ilamaa kala dambeyn buuxda ay dalka ku soo laabato.
.
SDN/QJ-Thailand