Midowga Yurub oo sheegay in ay burburiyeen Himilooyinkii burcad badeeda Soomaalida
Brussels Jan 05 2013 (SDN)— Warbixin ka soo baxday xafiiska la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in sanadkaan uu ahaa sanadkii ugu qatarta yareyd weerarada ay qaadayeen burcad badeeda Soomaalida,kuwaasi ay la beegsanayeen maraakiibta iyo doonyaha isticmaala xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.
Warbixintaan oo lagu soo koobay waxqabadkii wadamada qeybta ka ah howlgalka Athlanta ee Midowga Yurub uu ka wado xeebaha Soomaaliya,ayaa waxa amaan gaar ah loogu jeediyay Saraakiisha ilaalada xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub oo iyagu isku taxluujiyay sida warbixinta lagu sheegay inay yareeyaan weerarada isdaba jooga ahaa ee ay qaadi jireen burcad badeeda Soomaalida kuna qaadayeen maraakiibta shixnadaha kala duwan wada ee isaga kala gooshaya marin biyoodka mashquulka badan ee xeebaha Soomaaliya.
Timo lange oo ka tirsan xafiiska howlgalka Atlanta ee xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in tabarta burcad badeeda Soomaalida hoos u dhacday ay sabab u tahay dadaalo ay sameeyeen beesha caalamka oo indhahooda u soo jeediyay qatarta ka imaankarta sii fiditaanka burcad badeeda,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in sanadkaan uu noqday bilowga baaba’a shufta badeeda.
Mr Langa ayaa hadalkiisa waxa uu intaasi raaciyay in ka hadalka burcad badeeda oo ku baahay aduunyada dacaladeeda uu sanadaha soo aadan uu ka masaxmi doono.
Waxa uuna sheegay in sii socoshada burcad badeeda qeyb libaax leh ay ka qaadaneyso bixinta malaayiinka dollar ee madaxfurashada loo dhiibayo.
Aduunyada ayaa mar u aqoonsatay biyaha Soomaaliya,biyaha ugu qatarta badan aduunka,balse haatan ayaa muuqaneysa mid ka sii yara fiicnaaneyso.