|

Midowga Yurub oo dayactiray Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa

Hargaysa 27.June (SDN) Waxa Maanta uu Midowga Yurub daah-furay mashruuca dayactirka Cisbitaalka Hargeisa (Hargeisa Group Hospital) si loo hagaajiyo galaangalka adeegayada caafimaad ee dadweynaha sida dhaqsida leh u kordhaaya ee Hargeisa. Asaga oo ay la jiraan shurakadiisa, Terre Solidali iyo Xafiiska Qaramada Midowbay ee adeegyada mashruuc (UNPOS) ayaa Midowga Yurub wuxuu kordhin doonaa wax ku-oolnimada, tayada iyo is-wadka cisbitaalka ugu weyn soomaaliland kasoo ay heystaan dhibaatooyin dhismeed iyo awoodeed kana tan-badisay tirada dadweynaha.

Mashruuca oo Maagelintiisu dhan tahay1.5 milyan yuro ee mudada 24ka bilood soo socota ayaa wuxuu ka taagyeeri doonaa cisbitaalka xagga horumarinta qorshaha guud ee dhismaha taasoo u jihaysan taagyeerida is-kaabidda shaqo ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee cisbitaalka, goobo soocan oo muhim ah iyo in la abuuraa adeegyada maqan. Intaa waxaa dheer, mashruuca wuxuu xoojin doonaa horumarinta dhismooyin xaddigoodu yar yahay iyo sidoo kale fulinta nidaam daryeel ee qalabka daaweynta cisbitaalka. Mashruucu wuxuu kaloo u habaysan yahay in uu wax ka qabtaa taya daryeelka caafimaad ayadoo loo marayo abuuridda hal-beega hab-raacyo caafimaadeed iyo la hagaajinta ururinta iyo ka-baaraab-degidda xogta caafimaad.

Wax-qabadka mashruuca waxaa ku jira qayb xoogan ee ah dhisidda awooda ee qayb kasta. Farsamooyin hagaasan ee maamulka maaliyadda iyo xogta waxay kordhinayaan arimaha caafimaadka, la-xisaabtanka iyo wax ku-oolnimada ayadoo ay abuureyso jawi suurta geliya abuuridda iyo maamulidda dhaqaalaha iyo in loo isticmaalaa daqligaa iyo xogtaa soo korortay in lagu qabtaa adeegyo munaasab ah oo intii hore ka badan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed