|

Midowga Yurub Oo Bilaabaya Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka 250,000-Neef Oo Ka Mid ah Xoolaha Soomaalida

Brugsels:June,18,2014(SDN/QJ)-Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Xafiiska Khayraadka Xoolaha ee  Afrika (AU-IBAR) ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay Dhawaan Bilaabi doonaan Barnaamij oo kor loogu qaaday caafimaadka Xoolaha somalida.

sxoolo Mashruucan  cusub  ayaa lagu xoojinayaa bixinta adeegyadda caafimaad ee xoolaha Soomaalida oo aan inta Badan gacan shisheeye oo caafimaadkooda la xidhiidha heli jirin.

Mashruuca oo laga doonayo inuu sare u qaado wax –soo saarka xoolaha oo la gaadhsiinayo 250,000 Soomaali xoolo dhaqato ah iyo inay joogteeyaan dhoofka xoolaha.

Iyada oo laga faa’iidaysanayo sanadadii sida wanaagsan looga soo shaqeeyey waaxda xoolaha Soomaalida, Mashruuca cusub oo ah 4 Milyan Euro waxa yidhaahdaa “Xoojinta Adeegyada Caafimaad ee Xoolaha Soomaaliya” (RAHS), waxana  ujeedadiisu tahay sarre u qaadida tayada, helitaanka, iyo waarida adeegyada caafimaad ee xoolaha la siiyo.

Mashruucani wuxuu joogtaynayaa adeegyada hore u jiray ee ay ganacsatadu kaalinta fiican ka qaadatay koritaanka dhaqaale ee waaxda xoolaha iyada oo la xoojinayo awoodaha iskaashi ee dawladda iyo ganacsatada kaas oo u dhexeeya laamaha dawladda ee xanaanada xoolaha iyo ururada ganacsi ee gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya adeegyada caafimaadka xoolaha.

Xoolo dhaqatada iyo beeralayda xoolaha dhaqatada ayaa ka faa’iidaysanaya adeegayda caafimaadka xoolaha ee sarre loo qaaday sidoo kalena waxay ka qayb galayaan dejinta iyo fulinta barnaamijyada lagula soconayo ama lagu xakamaynayo cudurrada xoolaha ku dhaca si loo ilaaliyo caafimaadka xoolahooda. Mashruucani wuxuu sarre u qaadayaa dakhliga wuxuuna hoos u dhigayaa cunto yaraanta in ka badan 250,000 oo qoys dalka oo dhan.

“Midowga Yurub wuxuu taageerayay waaxda xoolaha Soomaalida sanado badan, Waxaa sidaa yidhi Safiirka Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso. Dhoofka xooluhu wuxuu ka mid yahay tiirarka dhaqaalaha ee Soomaaliya, isagoo abuura 65% fursado shaqo. Taasi waa sababta ay aad muhiimka u tahay in kor loo qaado adeegyada caafimaadka xoolaha ee dalka.”

Hawshan waxaa isku duba ridaya AU-IBAR iyada oo si dhaw ula shaqaynaysa Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Ururada Dhakhtarada Xoolaha ee Soomaalida, Waaxaha  Maanullada soomaalida u qaabilsan Arrimaha Xoolaha iyo laba hay’adood oo caalami ah oo ka shaqeeya waaxda xoolaha Soomaalida oo kala ah COOPI iyo Terra Nuova. Kulanka daneeyayaasha mashruuca ee Soomaaliya wuxuu dhacayaa June 2014. Ayaa lagu soo gunaanaday Warsaxaafadeedkan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed