Midowga Yurub Oo 20% Goosanaya Lacagta Ay Siiyaan Ciidamada AMISOM
Brugsells:Jully,14,2015(SDN/QJ)-Sida lagu daabacay wargeys-ka Sunday Nation ee kasoo baxa dalka Kenya, waxa midowga Yurub ku Hawllan yahay qorshe ay lacagta kaga jarayaan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Dalalka Kenya iyo Ethiopia.
Warka ayaa lagu sheegay in midowga Yurub uu doonayo in ciidamada Kenya iyo Ethiopia looga fadhiyo in Alshabaab ka saaraan deegaanada Jubbooyinka, xitaa haddii dhaqaalaha laga jaro, sida wargeysku uu daabacay.
Wargeyska ayaa daabacay warbixinta isaga oo soo xiganaya diblumaasiyiin ka tirsan Midowga Yurub kuwaasi oo hogaamiyaasha gobolka iyo deeq bixiyaasha ay ku kulmeen magaalada Addis ababa loona sheegay in Midowga Yurub uu qorsheynayo inuu jaro 20 boqolkiiba lacagaha uu siinayay AMISOM.
Kulanka Addis ababa ayaa looga hadlayay sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo gobolada kale ee dalka.
Bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay midowga Yurub ayaa 1 Bilyan oo doolar ugu deeqay AMISOM, waxaana askari kastaa oo AMISOM ka tirsan mushahar ahaan loo siiyaa 1,028 doolar.
SDN/QJ