|

Midowga Africa oo taageeray dalbkii sii joogida ATMIS

Addis Ababa October 07, 2023 (QJ) -Midowga Afrika ayaa taageero u muujiyay codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo ciidamada ATMIS-ka.

War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay inay taageerayaan codsiga ah in 3,000 oo Askari oo ATMIS ah sii joogaan Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo nabadda iyo ammaanka dalka.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale bogaadiyay sida ay uga go’an tahay dalalka ciidamada ugu deeqay ATMIS, oo ay ku jiraan Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti, iyo Uganda, si ay ula shaqeeyaan Soomaaliya iyo saaxiibada kale si loo helo taageerada dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah sii socoshada howlgalka.

Wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa ujeedkiisu yahay in la soo saaro 3,000 oo askari oo nabad ilaalin ah iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo gaari lahaa isbeddel nabadeed, iyadoo horay Soomaaliya looga saaray in ka badan 2,000 oo askari.

Comments are closed