Midowga Africa oo sheegay in Al Shabaab ay ku suganyihiin Somaliland
Addis Abaab Feb 02 2013 (SDN)– Uqeybsanaha Ururka Midowga Africa dalka Soomaaliya Ambassador Max’ed Saalax Annadif, ayaa daboolka ka qaaday in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ku suganyihiin dhulka Somaliland.
Ambassador Max’ed Saalax Annadif ayaa tilmaamay in qaar kamid ah hogaamiyaasha Al Shabaab ay goor horaba iska xaadiriyeen dhulka Somaliland si ay gabaad u dhigtaan.
Annaadif ayaa carabka ku dhuftay in ay ugu wacantahay in Shabaab ay tagaan Somaliland howlgalka ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kawadaan Koofurta Soomaaliya oo dhulbadan ka saaray Xarkada Al Shabaab.
Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa muujiyay cabsi ku aadan in dagaalyahanada Al Shabaab ee u baxsaday Somaliland iyo Puntland ay qorsheynayaan weeraro ay halkaasi ka soo qaadan.
“Qaarkood dadka ayay ku milmeen qaarna meelaha ay mamul goboledyadu ka jiraan ayay tageen Waxaana isku dayayaan inay soo qaadaan weeraro dhumaalaysi ah” ayuu yiri safiirka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Max’ed Annadifi.
Hadalka Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa daba socda baqdin ay Wadamada Galbeedku dhawaan ka muujiyaan Amaanka dhulka Somaliland oo sheegeen in weeraro iyo afduubyo ay ka dhici rabaan.