|

Midowga Africa oo canbaareeyay qaraxii maanta ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho Jan 29 2013 (SDN)– Wakiilka Midowga Africa u qaabislasan Soomaaliya Amb. Mohamat Annadif ayaa canbaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Dhismaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana uu ku aamanay Ciidamada dowladda sida ay uga hortageen in qaraxaasi uu qasaaro gaarsiiyo dadk rayidka ah.

“Waxaan aan aada u canbaareynayaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu lagu qaaday Villa Soomaaliya islamarkaana ay ku geeriyoodeen askar” sidsaasi waxaa sheegay wakiilka MidowgaAfricau fadhiya Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ayaa tilmaamay in AMISOM ay ka go’an tahay in ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan sugida Amaanka dalka.

Amb. Mohamat Annadif ayaa tacsi u diray dhamaan eheladii dadkii wax ku noqday werarkaasi Ismiidaaminta ahaa waxaana uu sheegay in laga bixi doono xaaladaha adag ee dalka ka jira.

SDN-Muqdisho

Comments are closed