Midawga Yurub oo war kasoo saaray la heestayaasha gacanta ugu jira burcad badeeda.
Brussels May 16, 2013(SDN)-War saxaafaded ay soo saaren ciidamada Midowga Yurub ee ladagaalamaya koxda burcad badeeda Somalia ayaa sheegay in koxdaasi ay gacanta ku hayaan 59-qof oo la heestayaal ah iyo labo markab.
War saxafadedka ayaa waxa lagu sheegay sidoo kale in ay jirto weli qatarta kooxda burcad badeeda Somalia midaasi oo lagu sababeeyay in ay weli dalbanayaan lacago madax furasho ah.
Taliyaha howlgalka dagaalanka burcad badeeda Somalia ee taabacsan Midowga Yurub Admiral Bob Tarrant ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay kooxda burcad badeeda Somalia oo weli dhaq dhaqaaqyo ka wada bariga dhulka Somaaliya.
Kooxda burcad badeeda Somalia ayaa sanadaani la tilmaamay in ay yaaratay weeraradii ay ku qaadi jireen maraakibta marta xeebaha Somalia.