|

Midawga Yurub oo iska Fogeeyay Duqeymadii shalay loo geystay Gunbax

Nairobi April 18,2012(SDN)-Weerar dhanka cirka ah oo Habeen hore lagu qaaday degaanka Gunbax oo dhaca inta u dhexeysa Baargaal iyo Xaafuun ayaaney jirin ila iyo haatan cid sheegatay.

Weerarkan oo ay wax yeelo ka soo gaadhay dad rayid ah ayaa u muuqda qaar lala beegsaday Xarun Burcad badeedu ku leedahay aagaasi.

Midawga Yurub ayaa dhawaan isla qaatay in ciidamadooda ku sugan xeebaha Soomaalida in ay weeraraan degaanada xarumaha u ah Burcad badeeda.

Ciidamada EUda ee ku guddo jira hawlgalada loogu magac daray Atlanta ayaa fasax loo siiyay in ay duqeeyaan qalabka,iyo shidaalka Burcada ee beriga yaala.

Afhayeen u hadlay ciidamada reer Yurub ayaa saxaafada u sheegay in aaney waxba kala socon weerarada.

Mareykanka ayaa hore u shaaciyay in duyuuradahooda aan cidi wadin ay duqeymo ka geysteen Soomaaliya,balse aan weli ka hadal weeraradan u danbeeyay.

Maamulka Puntland ayaan dhankiisa waxa war ah ka soo saarin rusheyntan u danbeysay.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed