|

Midawga musharixiinta Koonfur Galbeed oo dhaliilay dib uheshiinta

Muqdisho December 18, 2022 (QJ) – Midowga Musharaxiinta xilka madaxweyne ee Koonfur Galbeed oo ku sugan Muqdisho ayaa qaadacay qodobaddii ay isku afgarteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen.

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed ayay ku sheegeen in aan wax wadatashi ah laga sameyn in dib loo dhigay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee bishan December.

Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed muda-xileedkiisu uudhammaanayo, uusana haysan wax sharciyad ah wixii ka danbeeya 19 December 2022.

Shalay ayay afhayeenka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed sheegeen in shirka nabadeynta Baydhabo lagu qaban doono bisha soo socota

Comments are closed