|

Midawga Africa oo Obasanjo u igmaday dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

Addis Ababa January 20, 2024 (QJ) -Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo, laguna xalliyo khilaafka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo xubno ka ah Midowga Afrika iyo IGAD.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ayay Midowga Afrika u magacaabeen in uu fududeeyo wada-hadallada u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu Obasanjo ka codsaday in uu hoggaamiyo wada-xaajoodka, isla markaana uu qaboojiyo xiisada sii kordheysa.
Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in wax wadahadal ah aaney galeen ilaa Itoobiya ka noqoto heshiiskii Addis Ababa.

Itoobiya ayaa cambaareyn xooggan kala kulantay heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland, iyadoo Soomaaliya ay taageero iyo garab istaag ballaaran ka heshay dowlado kala duwan iyo hay’ado caalami ah.

Comments are closed