|

Midawga Africa oo amaanay hogaaminta Xasan Sheekh

Addis Ababa February 19, 2024 (QJ) -War murtiyeedkii laga soo saaray shir madaxeedka 37-aad ee madaxda Midowga Afrika ayaa looga hadlay muranka dhuleed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.
Ururka Midowga Afrika oo labadii maalmood ee u dambeeyay shir uga socday xaruntooda magaalada Addis Ababa ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ay kaga hadlayaan arrimo kala duwan oo khuseeya dalalka xubnaha ka ah ururkaas.
War murtiyeedkii laga soo saaray shir madaxeedkii 37-aad ee madaxda Midowga Afrika ayaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin muranka badda ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.
Hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la bogaadiyay, iyo guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaallada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo sidoo kalena lagu ammaanay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa gacan ka geysta dadaallada lagu xasilinayo amniga iyo xasilinta dalka.
War-murtiyeedka uu soo saaray ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku xad-gudbayso dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib heshiis muran badan dhaliyay oo ay Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku kala saxeexdeen 1-dii January 2024-ka.
AU waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-banaanida dhammaan dalalka xubnaha ka ah oo ay ku jirto Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ku booriyay labada dal inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal macno leh si loo gaaro xal nabadeed.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah iyo beesha caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) gaar ahaan xoojinta ciidamadooda amniga, la dagaallanka Al-shabaab, iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada iyo xasilloonida goobaha cusub ee laga saaray AS. Midawga Africa waxa ay ku amaantay UN, EU, UK, US iyo saaxiibada kale taageeradooda dhaqaale iyo saadka ee joogtada ah ee ay siiyaan ATMIS.​

Comments are closed