Mid kale oo ka mida Ganacsada Da’da Yar ee Qurbaha ka tegay iyo Xukuumada Jabuuti oo isku dhacay
Jabuuti April 12,2012(SDN)-Xukuumada Jabuuti ayaa gebi ahaanba jojisay hawgalkii mid ka mida shirkadaha Ganacsi ee ay dalka ka furteen ganacsada da’ada yar ee Qurbaha uga soo noqday maalgashiga dalka.
Shirkada Djb Clean oo heysatay qandaraaska nadaafada xafiisyada iyo dhismeyaasha dawlada Jabuuti ayaa gebi ahaanba la joojiyay hawlihii ay u heysay xukuumada Jabuuti.
Ma cada sababta dhabta ah ee Shirkadan qandaraaskeedii loo laalay,waxase la sheegayaa in milkilaha shirkada oo qadhaabo dhaw ay yihiin madaxweyneha Jabuuti ay isku dheeceen xubno ka tirsan xukuumada Jabuuti.
Milkiilaha Djb Clean oo Jabuuti looga yaqaano uun Yasaa ayaan aheyn ruuxa qudha ee Madaxweynaha ay qadhaabada yihiin ee dhawaan la laalay ganacsigooda.
Waxa jira isna ganacsade kale oo la yidhaa Cali Ous oo isna dhawaan xabsiga la dhigay ka dib kolkii ay isku dheceen xubno madaxtooyada ku dhaw.
Shirkad la yidhaa Armonica ayaa la siiyay qandaraaskii ay hore u heysatay shirkada afka ciida loo daray ee Djb Clean.
SDN-Jabuuti