|

Mid ka mida Xisaabiyeyaashii Burcad badeeda Soomaalida oo Jarmalka lagu qabtay kiyoo Isdhiibaya

Berlin May 14,2013(SDN)-Ciidamada Booliska ee dalka Jarmalka ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo Burcad badeeda Soomaalida u ahaa Xisaabiye oo doo nayay in dalkaas uu megengelyo weydiisto.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa lagu eedeeyay in afduubka markab nooca daabuula shidaalka sanadii 2010kii sida ay Booliiska Jarmalku sheegeen.

Ninkan ayaa laga qabtay xarun lagu hayo dadka megengelyo doonka ah lagu hayo,waxaana magaciisa lagu sooo gaabiyay “M”.

Ninkan ayaa farahiisa laga helay markabka Marida Marguerite oo Jarmalka laga leeyahay oo Burcad Soomaali ah gacanta u galay,ka dibna ka qaatay dhawr million oo madax furasho ah dhamaadkii 2010kii.

Maxkamad ku taal dalkaasi ayaa amartay in la hayo inta ninkan lagu soo oogayo danbiyo ay ka mid yihiin afduubasho iyo jir dil ay u geysteen shaqaalihii markabka oo tiradooda lagu sheegay 22 ruux.

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in ninkan qabashadiisa ay ka dhalatay wada shaqeyn caalami ah oo lagu cirib tiarayo Burcada.
SDN-Berlin
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed