Mid ka mida Askartii Faransiiska ee weeraray Buulomareer oo u geeriyooday dhawwac soo gaaray
Muqdisho Jan 15,2012(SDN)-Mid ka madi askartii Faransiiska ee weeraray xero shabaabku ka hayeen sarkaal ka mida sirdoonka Faransiiska ayaa dhaawac soo gaaray awgii u dhintay.
Sidaana waxa saxaafada u sheegay kooxda Al Shabaab oo sawirada meydka ninkan ku baahiyay barta Internetka ee Twitter.
Sadex sawir oo Shababku baahiyeen ayaa waxa ka muuqda meydka askari ka mida komaandoosta Faransiiska oo xiran macatab.
“Dagaalkii Gaalada oo dib u bilowdey,balse macatabku kama badbaadin seefta”ayaa lagu yiri warka shabaabka.
Shabaabka ayaa baahintooda fariin ugu diray madaxeynaha dalka Faransiiska Francois Hollande
“Francois Hollande waxaad ka faaiidey”ayaa lagu yiri fariinta.
Weerarka Faransiisku ku qaaday Buulo Mareer ayaa fashil ku dhamaaday ka dib kolkii ay laba askarei iyo maxbuuskii ay badbaadinayeenba ay geeriyoodeen.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com