Mid ka Mid Ah Saraakiishii Dawladda Federalka Ka Tirsanayd ee Dhawaan Hargeysa Lagu Xidhay Oo Faahfaahiyey Xadhigoodii iyo Siideyntoodii
Addis Ababa:Feb-04-2014(SDN)-Jaamac Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Saraakiil Ka Tirsan Dawladda Federalka Somalia oo Maalinti Sabtidii Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa, ayaa Beeniyey inay Dhuumasho ku Galayeen Somaliland.
Jaamac oo Haatan ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia oo La Hadlay Idaacadda BBC-da, ayaa Sheegay inay Magaalada Hargeysa qaab Taraansit ah ku Marayeen oo aanay U jeeddadoodu ahayn inay Somaliland Tagaan, isagoo Faafhaahin ka Bixiyey Qaabkii Xadhigoodu ku yimi.
“Sabtidii ayaan muqdisho ka Soo Baxnay, waxana aanu Taraaansit ku soo Marnay Hargyesa anagoo u soconay Addis Ababa, Shaqaalaha Garoonkana waanu u sheegnay meesha aanu ku socono, bale Nama ay dhegaysan ee waxay Noo sheegeen inaan Baasaboorrada aanu sidano aan laga Ogolayn in Garoonka Lala maro.” Ayuu Yidhi Jaamac.
Waxana uu intaas ku Daray “Waxa Noo Yimi Kooxda Imigrationka, waxana ay Xoog nagaga Qaadeen Baasboorradii aanu sidaynay, waxana ay na geeyeen Qol yar oo ay waraysi nagula yeesheen.”
Jaamac ayaa sheegay inay Khasab Diyaaradii kaga Reebeen isla markaana loo sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu ku amray in la Xidho, waxana uu Yidhi, “ si kas ah bay diyaaradii nooga reebeen, waxana ay noo sheegeen in wasiirku arrimaha Guduhu amray in nala xidho, Anaguna Hargeysa umaanu Soconin, shirkani adis ayaanu u soconay, Meeshuna waa Garoon caalami ah cidwalibana way mari kartaa, Dad Badan baa Baasbaooro lagu haystay.”
Ugu dambayntii waxa uu Jaamac Ka Hadlay Qaabkii Loo Sii Daayey, waxana uu Tilmaanay inay Somaliland Amar ku Bixisay in la Mustaafuriyo, waxana uu yidhi,
“dedaal dambe ka dib waa nala sii daayey, waxana uu markii dambe ogolaaday Wasiirka Arrimaha Guduhu in nala Mustaafuriyo ama Muqdisho ama Addisababa”
S.D.N