|

Mid ka mid ah Saraakiisha Hoggaamiya Dagaalka Lagula jira Budhcad-badeedda Somalida Oo La La’yahay

Yemen:16-April-2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Dalka Korea Waqooyi ayaa sheegaya in Sarkaaal sare oo ka Tirsan Ciidmada  dagaalka kula jira Budhcad-badeedda Xeebaha Somalia lagu La  yahay Halkaas.

banaSarkaalkaasi ayaa la sheegay inuu wehelinayay howlgal lagula dagaalamayo koox weerartay markab marayay meelo ka baxsan biyaha Soomaaliya, kaasi oo badda lagu waayay  Salaasadii ina Dhaaftay.

Taliyaha ciidamadaasi ayaa sheegay in sarkaal 22 sano jir ah kana mid ahaa ciidamada ku sugan xeebaha Soomaaliya, kaasi oo naaneystiisa kaliya uu ku sheegay Mr Ha, ayaa la waayay Salaasadii lasoo dhaafay.

Wuxuu sheegay inuu wehlinayay saddex markab oo ku sugnaa agagaarka xeebta Mukalla ee dalka yemen, sida sarkaalka ugu sareeya ciidamada ka socda Korea uu sheegay.

Diyaarado Helicopters ah iyo maraakiib ayaa sidoo kale la geeyay meel ku dhow biyaha lagu la’yahay, halka badmaaxiinta ay isku dayayaan inay soo helaan ninkaasi.

Ciidamada Labada Korea ee Cheonghae ayaa ku sugnaa xeebaha gacanka Cadan tan iyo sanadkii 2009, waxayna qeyb ka ahaayeen dadaalka lagula dagaalamayo burcad badeeda gobolka, si ay u difaacaan maraakiibka Korea ee isticmaasha Xeebaha Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa lagu tuhunsan  yahay inay Baddu liqday amaba  ay Cuneen Bahalaha Badda ku nooli, waxase wali lagu gudo jiraa Baadi Goobkiisa oo lagu Hawllan yahay.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed