Mid ka Mid ah Garaadada Miisaanka ku leh Gobolka Buuhoodle oo Geeriyooday
Hargaysa 19.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu tacsi u dirayaa Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha iyo Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe Duraan oo ku geeriyooday 19.07.2014 Gobolka Buuhoodle.
Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Tacsi taasi la mid ah u dirayaa Mudane. Cismaan Garaad Soofe Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Garaadku.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacbiga Somaliland , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE inaga siiyo dhamaanteen.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com