Meydka Wariye Cabdi Xareed oo lagu aasay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho Jan 18 2013 (SDN)- Wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan ayaa maanta meydkiisa lagu aasay qabuuro kuyaalla Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Aaska Wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Idaacadda uu ka geeriyooday ee Shabelle, shaqaalaha iyo Ehelada Marxuumka geeriyooday.
Wariye Abuukar Sh. Maxmuud Abuukar SKY oo ka tirsan Shaqaalaha Shabelle oo la haday Shabakada SDN ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Cabdi Xareed Cusmaan lagu aasay qabuuraha Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Idaacadda Shabelle Cabdi Maxamed Ismaaciil Cabdu Cuud oo isna lahaday SDN ayaa sheegay in uu canbaareynayo falkaasi waxana uu sheegay in ay siiwadi doona howlsha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Kooxo hubeysan ayaa saakay waxa ay degmada Wadjir ku dileen Allaha unaxariistee Wariye Cabdi Xareed Cusuman Aadn oo xiligaasi ku soo jeeday shaqdiisa.
Wariye Cabdi Xareed Cusmaan ayaa waxa uu sidoo kale ahaa Abaan sameeyay Xayasiinta ka baxda Idaacadda uu u shaqeyn jiray ee Shabelle.