|

Meydadka Dadkii Shabaabku Ku Laayeen Kenya Gudaheeda Oo Lasoo Bandhigay, Loona Daad-gureeyey Nairobi

Nairobi:Nov,23,2014(SDN/QJ)-Dadkii Rayidka ahaa ee shabaabku Shalay laayeen Gudaha Dalka Kenya ayaa Meydadkooda lasoo Bandhigay loona qaaday dhinaca Magaalada Nairobi oo lagu aasi doono.

jileDadkan oo tiradooda lagu sheegay 28-ruux, ayaa dhammaantood ahaa Masiixiyiin, waxana lagu laayey deegaanka Jilicow oo   15km u jirta Mandhera.

Dadka la laayay, ayaa gaadhi bas ahaa ka raacay Degmada Mandhera, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, iyadoona wadada laga leexsaday.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa sheegay in weerarkaasi ay ugu aargudayeen dadka ay Ciidamada Kenya ku dhibaateynayaan Magaalada Mombasa iyo goobaha ay ka jooggaan dalka Somaliya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku, ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah Xoogagii Shabaabka, ee shalay dadka ku laayay deegaanka Cumar Jilicow, oo 15km u jirta Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya, ayaa shalay oo idil deegaanada ku dhow dhow Degmada Mandhera ka baadi goobaayay xubnihii Shabaabka ka tirsanaa, ee dadka laayay, kuwaa tiradoodu lagu sheegay ilaa 10 nin oo aad u hubeysnaa, inkastoo aanay u suurta gelin inay gacanta ku soo dhigaan.

Warbaahinta Kenya, ayaa si weyn u hadalheysa dil wadareedka ay Shabaabku u geysteen dadka Kenyanka ah. Dadka la dilay waxaa 17 ka mid ah lagu sheegay macalimiin wax ka dhigi jirtay iskuulada dalkaasi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed