Meydadka 20 Somali ah oo laga helay dalka Tanzania
Morogoro Jan 05,2012(qurbejoog.com)-Booliska dalka Tanzania ayaa sheegay in ay dhawaan heleen meydadka 20 Soomaali ah oo la dhigay hareeraha wadooyin dalkaas ku yaal.
Meydadka oo la sheegay in ay ay ahaayeen Soomaali u socdaaleysay dalka Zambia.
Booliska ayaa sheegay in dadkani naqasku ku dhegey ka dib kolkii gaadhi ay la socdeen mudo dheer,Kadibna la dhigay wadada dhineceeda.
Dadkan oo ka koobnaa 17 raga iyo sadex Haweena ayaameydadkooda la helay intii u dhexeysay fasaxyadii Masiixiyiinta iyo sanadka cusub.
Dalka Tanzania ayaa iminka ah halka Soomaalida ku socota Konfur Africa.
Qurbejoog-Morogoro