|

Meesha ay marayaan dedaalada dhex dhexaadinta ee xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland

Hargeysa 23 Aug, 2022 (QJ)- Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa waxa weli ka socda dedaalo dhex dhexaadin ah oo ay wadaan ganacsato Reer Somaliland ay oo isku xilqaantay in ay kala dhex galaan dhinacyada siyaasadda isku haya ee Somaliland oo ah xukuumadda gar aahaan madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ah gaar ahaan labada murashax ee Cirro iyo Faysal.

Ganacsatada oo ah kuwa ugu hantida Somaliland ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha Somaliland iyo mcuaaradka dalka iyagoo kala hadlay arimaha la isku hayo ee doorashada ururada iyo doorashada madaxtooyada.

Qurbejoog oo dedaal dheer dheer u gashay in ay kulamada xog ka ogaatao waxay heshay in madaxweynaha Somaliland uu imika xal ogolyahay inkasta oo aan la isku halayn karin madaxweynaha oo si joogto ah mawqifyadiisa u bedela, waxaana hore u jirtay in dhinaca ergada diiiday uu ahaa madaxweynaha Somaliland. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu aragti ahaan aad ugasoo dhawaaday mawqifyadii qalafsanaa ee uu hore u qaatay, isagoo af wanaagsan kula hadlay ergada ganacsatada ah, balse weli ma cada in uu kalsooni dhex dhexaadineed siiyay iyo in kale.

Xubnaha ganacsatada ah ayaa lagu wadaa in ay xal la wadaagaan dhinacyada kadib qiimayn ay wadaan oo aan weli dhammaan waxaana laga wada war sugayaa warka kasoo baxa iyo sida ay dhinacyadu ugu qancayaan.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in xal dhinacyada qanciyaa uu yar yahay iyadoo xalka kaliya uu yahay in labada doorasho hal mar lawada qabto, waxaana jirta in dhinac diidayo hadii mawqif aan kaa ahayn la qaato.

Wararka kasoo kordha wada hadalada iyo dhex dhexaadinta kala soco QURBEJOOOG.

Comments are closed