|

“Meeqaamka Puntland hoos ayuu u dhacay” Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Puntland DHAGAYSO

Garowe 13.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Puntland hoos uga dhacday meeqaamkii ay joogtey sanado kahor, marka laga hadlayo qaabka ay ula gorgortanto Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

JUXAJuxa oo kamid ahaa xubnihii metelayey qaybaha bulshada ee maanta lagu casumey fadhigii baarlamaanka Puntland uga doodayeen xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland, wuxuu sheegay in go’aamada tirada badan isna-diidan ee isugna jira heshiisyada iyo xiriir jaristu hoos u dhigeen tix gelintii loo hayey Dowladda Puntland.

Wuxuu sidoo kale waxa laga xumaado ku tilmaamay in arrintani soo gaarto heer Golaha Wakiilladu ka doodaan, dadweynahana su’aalo laga weydiiyo, maadaami xilligii hore arrimaha noocan oo kale ah Golaha Wasiirradu go’aan adag ka qaadan jireen.

Cabdi Faarax wuxuu dhanka kale dardaaran culus u jeediyey Golaha Wakiillada Puntland isagoo ku booriyey inaysan ku ekaan baaq oo keliya balse ay mowqif qeexan iyo xeerar adag kasoo saaraan arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, sida xuduudaha, dastuurka iyo khayraadka dabiiciga ah. Hadalka Juxa ayaa imaanaya xilli xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalku uusan wanaagsaneyn, islamarkaana maanta Golaha Wakiillada Puntland ka gaabsadeen inay go’aan cad ka qaataan halka uu ku dambeynayo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac [Puntland iyo Dowladda Federaalka].

Comments are closed