Meeliishaadka Dooxada Shabeele oo sadex ruux ku dilay badhtamaha Baladweyn
Baladweyn Jan 03,2012(qurbejoog.com)-Meeliishaadka Dooxada Shabeele ee iminka gacanta ku haya magaalada Baladweyne ayaa badhtamaha magaaladaas ku dilay sadex ruux oo la socdey gaadhi oo ay kala soo degeen.
Sadexda ruux ayaa la sheegay in ay gaadhiga ka soo raaceen magaalada Gaalkcayo ee gobolka Mudug.
Madaxa Meliishaadka Dooxada Shabeele Cabdifatax Xasan Afrax oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ciidamada maamulku dileen ragan sadexda ah ka dib kolkii ay cadaatay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab.
Sidoo kale masuulkana ayaa sheegay in ciidamadu wadaan hawlgalo baaxad leh oo amniga lagu sugayo.
Meeliishaadka Dooxada Shabeele ayaa iyaga oo gacan ka helaya ciidamada dalka Itoobiya waxa ay magaalada Baladweyne ka qabsadeen ciidamada Shabaabka oo mudo halkaa ka ariminiyay.
Ma cada halka xaal ku danbeyn doono marka ciidamada Itoobiya ay ka baxaan gobolka Hiiraan.
Qurbejoog-Baladweyne