|

Md Cali Gurey:Wasaaradda Tacliintu Waxay Ka Gudubtay Xariiq Cas(red line)

Hargeysa Oct 01,2013(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Cali Gurey ayaa ka waramay habdhaqanka wasaarada Tacliinta iyo sida ay u siyaasadeyneyso waxbarashada dalka.

“In wax laga yidhaa basar xumada wasaaradda tacliintu waa qasab. Waxay wsaaradani bilawday inay siyaasadayso tacliintii oo jaamacdihii iyo dugsiyadii kula dhex meeraysato siyaasad waxa aanay qarka u saarantahay in gebi ahaanba ay waxbarashadii xibiyayso oo xukuumadayso, taasi na wax loo dulqaadan karo maaha. Axmed Silanyo intii mucaaridka ahaa xukuumadii Rayaale marna may odhan yaan mucaaridka hadalka la siinin marka munaasibadaha gaarka ah la isugu yimaado. Musuq maasuqa iyo tuugada xiligii Rayaale laguma bixin jirin sahaadado. Wasaaradda tacliintu hadaan loo badheedhin waxay wadaa in aqoontii maqluubka loo rogo oo dabo saarihii ay food saaro noqdaan. Waxanu ka baqe qabnaa sida ay wasaaradani wax u waddo in ardayda isku fasalka ah ugu dambaysta loo kala qaybiyo xisbiyo iyo reero oo taa lagu xidho qiimayn tooda.

Qoraalkani waa digniin kama dambays ah, hadii ay ku joogsan waydo oo tacliinta la siyaasadaynayo la joojin waayo midhaha ay wasaaradani goostaa waxay noqon doonan mur iyo deebaaq”.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed