Mayor Mooge muxuu ku doorsaday Xisbigii uu ka soo baxay iyo xilkii loo doortay
Hargeysa (QJ) – Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa mudo dheer oo uu u ololeynayay xilkaa ayaa waxa soo shaac baxday in uu madaxweyne Muuse ku diiday in uu ku taageero damaciisa.
Cabdikariim ayaa niyad jabkaa ka dib waxa soo dhaweeyay oo in uu xilkaa isu taagay ugu tanaasulay musharixiintaa xisbiga Wadani.
Cabdikariim kolii Madaxweyne Biixi ka garab sharaxay duqii hore ee Hargeysa Solteco ayaa Cabdikariim dib mar kale isugu dhiibay Kulmiye.
Axsaabta mucaaridka oo lahaa aqlebiyada gollaha degaanka Hargeysa ayaase mar kale u dulqaatay khaladaadka siyaasadeed ee siyaasiga.
Haatan oo ay caasimada Hargeysa ka taagan tahay dood ka dhalatay dabkii burburiyay suuqii Waaheen iyo cida maareyneysa, Mooge mar kale waxa uu hoos tegey madaxtooyada.
Duqa Hargeysa ayaa la sheegay in gebi ahaanba oo diiday in uu mucaaridka kula kulmo Suuqa waaheen kiyoo ka amar qaadanaya kooxda HEEGO.
Cabdikariim oo xalay ka soo muuqday xaflad deeq ururin aheyd oo ka dhacday madaxtooyada ayaa dhaleeyay siyaasiyiinta mucaaridka ee sheegay in maamulka suuqa loo daba fadhiisto Gollaha degaanka Hargeysa.
Hadaba isweydiinta ugu badan siyaasada Somaliland ayaa maalmihii u danbeyay waxa ay la xiriirtay waxa Cabdikariim siistay xusbigii laga soo dooortay, codkii lagu doortay iyo xilkii loo igmaday.