Mayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa ayaa Ka Hadlay Halka ay Marayaan Dhismaha Wadooyinka Halbawlaha ah Ee Dhexmara Caasimada Hargeysa
Hargeysa Feb 04,2014(SDN)-Mayor ku xigeenka Caasimada Hargeysa Md Casiis Maxamed Xaashi Cagawayne ayaa Maanta Ka Hadlay Mar uu Kormeer Hawleed ku Maraayay Wadada Hal bawlaha ah Ee Dhex marta Casimada Hargeysa Iyada Oo Dar dar iyo Xawli baaxad leh ay Ku Socdaan dhismayaasha Wadooyinka dhexmara Magaalada Hargeysa Taasoo ay qayb Libaax leh ka Qaateen Golaha Deegaanka Hargeysa Oo ay Hor kacayaan Mayorka iyo Mayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa.
Dhismaha Wadada Iyo Dayac tirkeeda ayaa Haatan Maraaya Badhtamaha Magaalada Hargeysa gaar ahaana Xarunta Dawlada Hoose Ee magaalada Hargeysa Iyada ay xusid mudan tahay In Wadadaa laga Soo bilaabay inta u Dhaxaysa Magaalooyinka Barbara iyo Hargeysa Taasoo ay Xukuumadu Ku Wareejisay D.H.H, Ee Hargeysa.
Mayor ku xigeenka Caasimada Hargeysa Md Casiis Maxamed Xaashi Cagawayne Oo Maanta Kormeer Hawleed ku Maraayay Wadooyinka ay Dhismahoodu Hadda wado Dawlada Hoose Ee Hargeysa ayaa Sheegay Inay Golaha Deegaanka Hargeysa Oo haatan Joogay Muddo sanad iyo Badh ay Ku dhaqaaqeen Hawlo Fara badan iyo Wax qabad la taban karo Is lamrkaana ay Sii wadi Doonaan Dadaalkooda Golaha Deegaanka Oo uu Hor kacaayo Mayorka Caasimada Hargeysa Md C/raxmaan Maxamuud Caydiid,.
Dhinaca Kale Mayor ku xigeenka Caasimada Hargeysa Waxaa ay Olole ku qaadeen Qashin badan Oo Tuulaa Ja jabka dabadiisa iyo Biriishka Oo ay Hagaajiyeen, Mayor ku xigeenku waxaa uu Sheegay Inay Mudo Lix billod ah Ku dhamay n doonaan Guud ahaan Wadooyinka Halbawlaha ah Ee Dhex mara Caasimada Hargeysa, Kuwaasoo ay Kamid Noqon doonaan Wadada Airport’ka Wadada Dulmarta Biriishka, iyo Wadooytinka Kale Oo Muhiim ah.
Mawliid Maxamed Siciid.
Wakaalada Wararka SOMALILAND, Ee SOLNA.