|

Maydkeeda oo laga Helay Maqaaxi ay ka Shaqaynaysay oo Berbera ah

Berbera 12.April 2014 (SDN)-
Alla Ha U Naxariistee Waxa Magaalada Berbera Ku Geeryootay Gabadh Magaceeda Lagu Sheegay Xamda Dheer Taas Oo Maydkeeda Sida Wararka Aanu Ku Helayno Laga Helay Makhaayad Ku Taal Magaaladaaasi.

Waxa Kale Oo Wararku Sheegayaan In Uu Falkii Gabadhaasi Ku Geeryootay Uu Sababay Dhaawaca Sacad Maxamed Faarax Qabiile Oo Dhaawiciisu Culus Yahay.

Dhacdadan Ayaa Ka Damabaysa Sida Dad Goobjoogayaal Ahi Sheegeen Markii Ehelada Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile Ay  Gudaha Magaalada Ku Arkeen Nin Bilo Ka Hor Hargaysa Ku Rasaaseeyey Xildhibaanka Ka Dibna Ay Baacsadeen, Ninkaasi Ayaa La Sheegay In Aan Gacanta Lagu Soo Dhigin Ka Dib Markii Ninkaasi Uu Rasaas Ooda Kaaga Qaaday Dadkii Baacsaday, Balse Gaadhi Uu Watay Ayaa La Jajabiyey.

Ilaa Haddaba Ma Cada Cida Gabadhan Maykeeda La Helay Dishay Iyo Qaabka Ay U Dhimatay Toona , Ciidamada Amaanka Ee Berbera Ayaa Goobka Wakhti Yar Ka Dib Soo Gaadhay .

Berbera SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed