|

Maydad hor leh oo laga helay xeebaha Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Boosaaso Dec 19 2012 (SDN)— Maxamed Faarax Aadan Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay dad horleh ay soo caarisay badda Boosaaso oo tahriibayaal ahaa.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in dad horleh oo afar qof ah ay badda soo caarisay islamarkaana ciidamada ammaanka xeebaha Puntland ay dadkaasi soo qaadeen xalay.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka badda ee Maamulka Puntland ay ka xeesteen doomo dhowr kadibna ay baadi goob ugaleen doomaha sida sharcidarada dadka uqaada.

Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee maamulka Puntland ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada maamulka Puntland gaar ahaan kuwa xeebaha ay soo qabteen ilaa iyo iminka 18-doomood oo nooca dadka sida sharcidarada loogu qaado islamarkaana iminka ay gacanta ku hayaan kuwa kalena ay baadi goobayaan.

Arinkani ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay xeebaha maamulka Puntland ay kusoo caariyeen meydadka tahriibayaal doonaye inay ka gudbaan bada udhaxeysa Yemen iyo Boosaaso.

SDN-Boosaaso

Comments are closed