|

Maxsuulka Ka Soo Baxay Shir ay Lahaayeen Madaxda Sare ee Punt land iyo Xildhibaanada Federaalka uga Jira oo Qodobo ka soo baxeen

Garowe 20.Aug 2014 (SDN/QJ)- Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay kulan ay halkaas ku lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland iyo madaxda maamulka.

CaptureSida uu sheegayo Weriyahayaga ku sugan  magaalada Garoowe ayaa ku soo warramaya in kulanka xubnaha xildhibaannada ay  la yeesheen madaxda Puntland laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin in la xalliyo cabashooyinka ay Puntland ka tirsanayso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo Puntland ay sheegtay in ay caddeymo u hayso.

Sidoo kale kulanka ayaa laga soo saaray in xildhibaannada ay Puntland u soo jeediyeen in ay bixiso fursad wada-hadal muddo 30 cisho gudahood ah, taas oo ay aqbaleen maamulka Puntland.

Qodobbada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah in haddii fursadaha wada-hadalka lagu guul darreysto, in Puntland ay qaadan doonto tallaabada ku habboon ee uu u oggolaanayo dastuurkeeda.

Sidoo kale xildhibaannada iyo maamulka Puntland ayaa isla gartay in heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho ee la doonayo in maamul mideysan loogu sameeyo gobollada Mudug iyo Galgaduud uu yahay mid xad-gudub ku ah dastuurka federaalka ah iyo kan Puntland.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa dhaliilay heshiis maamul loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud oo Muqdisho lagu kala saxiixday dabayaaqadii bishii tagtay ee July.

go'aamo

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed