Maxsuulka ka soo Baxay Kulan Laba Geesood ah oo ay Wada Yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Iyo Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Ethiopia
Addis Ababa 15.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiirudawlaha Waasarada Arrimaha Dibada Ethiopia Mudane Regase Kefalew ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire maanta, kadib markii uu muddo laba cisho ah booqasho ku joogay.
Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyada Somaliland Dr Sa’ad Ali Shire , Oo mudo labo cisho ahba u joogay hawlo shaqo magaalo madaxda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaa maanta kulan balaadhan kula qaatay xafiiskiisa wasaarada Arrimaha Ethiopia wasiirudawlaha waasarada Arrimaha qaybta horumarinta Mudane Regase Kefalew Oo ay wehelinayaan Agaasimaha u qaabilsan wasaarada Arrimaha debeda wadamada Deriska ah.
Mudane Haile Gebre sellasie kulankan Oo mudo saacada qaatay waxay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Kulankan Oo dabo socday safarkii ay weftiga Ethiopian ka ahi dhowaan Ku tagteen Somaliland ayaa diirada lagu saaran iskaashiga dhinacyada dhaqalaha ,Ganacsiga ,siyaadada iyo isticmaalka Dekeda Berbera , kulankan Oo Dr saad ay ku wehelinayaan safiirka safarada Ethiopia Mudane Adam Muse Jibril iyo Safiirku Xigeenka Mudane Ayanle Salad Deria , wuxuu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad buuxa.”