Maxkamadeynta Wariye Koronto iyo dadkle oo ay isku kiisyihiin oo maanta markale ka bilaabaneysa Muqdisho
Muqdisho Feb 05 2013 (SDN)– Waxaa maanta Maxkamada gobolka ee Magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa markale dhageysiga Maxkamadeynta Wariye C/casiis Koronto iyo dadkale oo ay isku kiisyihiin.
Madasha Maxkamadayntu ka bilaaban doonto ayaa waxaa kusii qul qulayay tiro saxafiyiin ah iyo dadkale kuwaasi oo doonaya in ay la socdaan sida ay wax udhacayaan waxaana qaar kamid ah saxafiyiinta ay muujinayaan Niyad sami ku aadan dacwada.
Maxkamada oo dhawr jeer oo hore dib loo dhigay ayaa waxa maanta indhaha la raaci doona caalamka oo dhan iyadoo ay tijaabo u tahay inta ay gaarsiisantahay awooda iyo qibrada garsoorka ka jira Soomaaliya.
10-bishii la soo dhaafay ayaa Wariye C/casiis Koronto oo wareystay Hawyney sheegtay in la kufsaday la xiray, waxaana lagu soo eedeeyay in uu sumad dil ku sameeyay mid ka mid ah hay’adaha dowladda iyo sidoo kale in uu xiriir la leeyahay kooxo ka ganacsada kufsiga.
SDN-Muqdisho