|

Maxkamadeynta Wariya C/casiis Koronto oo maanta markale dib loo dhigay

Muqdisho Jan 29 2013 (SDN)– Maantay oo Talaado ah ayaa waxaa ay go’aamisay maxkamadda gobalka Banaadir in la furo oo la qaado kiiska wariye C/casiis C/nuur Ibraahin Koronto balse codsi ka yimid dhanka qareenka udoodi lahaa wariyahana dib ayaa loo dhigay.

Waxaa ku soo xaadiray maantay xarunta Maxlamadda gobalka dhamaan dadkii danaynayay kiiska Wariyahaasi xiran, Wariyaha qudhiisa,iyo 4 qof ee la xirneed Wariye Koronto.

Intii lagu sugnaa Maxkamadda gobalka oo ka sugayay in irdaha loo furo kiisla lala xiriirinayo Haweenay Soomaaliyeed oo la sheegay in la kufsaday  ayaa waxaa uu Cod saday Abukaatihii u doodi lahaa Wariye C/casiis Koromto in dib loo dhigo furista kiiskaasi maadaama ayuu yiri uusan diyar ahay oo wax ka yar maalin uu ku guda jiray falkaa.

Ugu danbayntii Maamulka Maxlamadda ayaa waxa uu go’ansaday in dib loo dhigo furista Kiiskaasi Maalinta Sabdigana dib layskugu soo laaban doono.

Comments are closed