|

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo gudogashay dacwad xasaasi ah oo u dhexaysa garabyada xisbiga UDUB

Hargeysa 21, May 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland, ayaa maanta gudogashay dacwad xasaasi ah oo u dhexaysa laba garab oo xisbiga mucaaradka ah ee UDUB u qaybsamay.

Dacwad oo salka ku haysa hoggaaminta xisbigaas, waxa ay ka dhalatay muran ku saabsan murashaxnimada Madaxweynenimo ee UDUB ee doorashada Madaxtooyada ee 2015-ka.

Dacwadan oo uu gudbiyay guddoomiye kuxigeenka xisbigaas, ahna Madaxweyne kuxigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa furitaankeeda gudoominayay guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Distooriga garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali.

Dhegaysiga dacwadda waxa ka qaybgalay guddoomiyaha UDUB, ahna Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin oo marka hore dacwaddan gudbiyay, iyadoo ay dacwaddu maanta socotay saacado badan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo gunaanadkii hadal kooban jeediyay, waxa uu sheegay inay si dhakhso ah go’aan uga soosaari doonaan dacwaddan u dhexaysa labada garab ee xisbiga UDUB u qaybsamay.

Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo hami kaga jiro murashaxnimada xisbigaas oo u hadlay garabka Daahir Rayaale iyo wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil oo isna u hadlay garabka Axmed Yuusuf Yaasiin oo markii dhegaysigu xidhmay warbaahinta u waramay, waxay sheegeen inay rejo fiican ka qabaan go’aanka Maxkamadda. Sidoo kale, waxay balanqaadeen inay tixgelin doonaan go’aanka Maxkamaddu ka soosaarto khilaafka xisbiga kala qaybiyay.

Maxkamadda Sare, waxay sannadkii hore go’aan ka soosaartay khilaaf laba garab u qaybiyay xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed