Maxkamadda gobolka Bari ee Punt land oo xukuntay gubidda lacag been abuur ah oo la qabtay
Garoowe 28.Aug 2013 (SDN) Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa xukuntay in la gubo lacag been abuur ah oo dhowaan ay qabteen ciidanka ammaanka ee Puntland.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda, Bashiir Ismaaciil Axmed ayaa amray in la gubo lacagta oo dhan ku dhowaad nus bilyan shilinka Soomaaliga, taas oo lagu hayay bangiga maamulka qeybtiisa gobolka Bari.
Bashiir wuxuu sheegay in lacagta sharci darrada ah si qarsoodi ah lagu soo geliyay deegaannada Puntland.
Maamulka Puntland ayaa in dhowaaleba waday olole uu kula dagaallamayo lacagta been abuurka ah.
Ciidanka ammaanka ayaa baraha kantaroollada ku istaajiya gaadiidka gala magaalooyinka Puntland, iyagoo ka baara inay sidaan lacagta been abuurka ah oo dhibaato ba’an ku haysa dadka.
Maamulka ayaa ku wargeliyay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada inay ka feejignaadaan isticmaalka lacagta been abuurka ah.
Garoowe SDN.