Maxkamada Masar oo Dil ku Xukuntay Tiradii Ugu Badnayd ee Ururka Ikhwaan oo Gaadhaya 700 Qof
Qaahira 28.April 2014 (SDN/QJ)- Dad Gaadhaya 700 Oo Ruux Oo Ah Taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiin Ee Masar Ayay Maxkamad Dil Ku Xukuntay, Waxaana Dadkaas Ka Mid Ah Hoggaamiyaha Ururkaas Maxamad Badiic.
Dadka dilka lagu xukumay waxaa ka mid hoggaamiyaha Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Badiic ,Eedaysanayaasha Ayaa Bishii La Soo Dhaafay Ay Maxkamadi Ku Xukuntay Dil, Waxaana Loo Haystaa In Ay Dileen Askari Boolis Ah Intii Ay Socdeen Rabshadaha Bishii August. Xukunkaasi Ayaa Kiciyay Dhaleecayn Ballaadhan Oo Caalami Ah.
Xukunka Dilka Ah Ayey Maxkamadu Shaacisay Bishii Maarij Ee La Soo Dhaafay, Kaddib Markii Ay Dhageysiga Dacwada Socotay Mudo Saacad Ah.
Qareenadii Difaacayay Eedaysanayaasha Ayaa Loo Diiday In Ay Maxkamadda Soo Galaan, Sidoo Kalena Looma Sheegin Eedaysanayaasha Eedaha Loo Haystay.
Kiiska Ayaa Loo Gudbiyay Muftiga Ugu Sarreeya Ee Masar – Oo Ah Mid Ka Mid Ah Madaxda Diinta Ee Dalkaasi – Balse Argatidiisa Ku Aadan Go’aanka Maxkamadda Ayaanan Aheyn Mid Wax Baddeli Karta.
Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa beeniyay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen rabshado dalkaas ka dhacay kaddib markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.
Balse mas’uuliyiinta dowladda Masar ayaa ururka ku eedeynayo rabshadaha dalka ka dilaacay tan iyo markii militeriga uu talada ka wareejiyay Mursi.
Qaahira SDN/QJ.
contact@somalidiasporanews.com