Maxkamada Gobolka Sanaag oo Maanta Xukuno ku riday Laba Danbiile
Gar adag 12.October 2013 (SDN)- Gudoomiyeyaasha Maxkamada Gobolka Sanaag iyo Ta Racfaanka ee Gobolkaas oo Socdaal ku tagay Magaalada Gar adag ayaa Maanta Xukuno Xadhig iyo Ganaax isugu Jira ku riday Laba danbiile .
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan “Aadan Saalixi” oo ay wehelinayeen Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Sanaag Xuseen Aw diiriye Maxamed,Wakiilka Xeer ilaaliyaha Gobolka Sanaag iyo Xubno ka Tirsan Bah’da Qareenada ee gobolkaas.
Madaxda Maxkamada Gobolka Sanaag oo Khadka Telefoonka ugu Waramayay Shabakada Qurbejoog.com ayaa faah faahin ka bixiyay Xukunada ay Maxkamadu gaadhay iyo go’aanada rasmiga ah ee ay ku soo af jareen Labadan Kiis oo isugu jira dil iyo budhcadnimo .
Gudoomiyaha Maxkamada racfaanka ee Gobolka Sanaag Xuseen Aw diiriye Maxamed ayaa ku Xukumay danbiile Axmed Aadan Ducaale oo ku eedaysnaa dil uu u gaystay alle ha u naxariistee marxuun Nuur Geele Ciise waxaanay Maxkamadu ku Xukuntay 10 Sanno oo Xadhig ah kadib markii ay labada reer ee Marxuunka dhintay iyo Gacan ku dhiigluhu heshiis ku gaadheen in ciqaabtaas xukunka ah la mariyo.
Geesta kale Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan “Aadan Saalixi” ayaa isaguna Xukun dhan 9 Sanno iyo Lix bilood iyo Weliba Ganaax dhan Shan Milyan oo Shilling Somaliland ah ku riday danbiile Saleebaan Cawil Cawad kadib markii ay ku cadaatay Budhcadnimo,Is hortaag Shaqo dawladeed,Gacan ka hadal uu kula kacay Madaxda Degmada Gar adag.
Gar adag SDN.
Qurbejoog.com