|

Maxkamada Gobolka Maroodi jeex oo Sideed Bilood ku Xukuntay Haweenay ku eedaysnayd inay fariimo fool xun u dirtay Wasiirka Madaxtooyada

Hargaysa 12.Feb (SDN)  Maxakamadda Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa ayaa Maanta  xukun 8 bilood ah ku riday Marwo Nadra Maxamed Jaamac oo ku eedaysnayd in ay fariimo cay iyo Aflagaado Cirdi ah u dirtay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan.

Fadhigan  maxakamadda Gobolka Maroodi jeex ay ku go’aamisay Xukunka Sideeda Bilood ah ayaa ka dhashay  kadib markii ay Marwo Nadra Maxamed Jaamac,  Maxkamada Horteeda ka qiratay in fariimahaas  u dirtay Wasiirka Madaxtooyada .

Dhinaca kale qoyska ay ka dhalatay  Nadra Maxamed Jaamac ayaa hore raali gelin uga bixiyay falkaasi ay ku kacday, iyagoo ka codsaday Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu inuu cafiyo gabadhaas,hasa yeeshee Wasiir Xirsi ayaa maalintii Shalay ka cadeeyay Xaflad loo sameeyay Midowga Urur Siyaasadeedkii Dalsan iyo Xisbiga Kulmiye in Nadra Maxamed Jaamac ay fariimo ka baxsan Diinta Islaamka inay u soo dirtay.

Hargaysa SDN.

Comments are closed