|

Maxkamada Gobolka Hargeysa oo maan Xukumeysa Boqor Raabi oo loo heysto booqasho uu Xamar ku tegay

Hargeysa Mar 20,2013(SDN)-Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta soo gunaanadeysa dacwad lagu soo oogay mid ka mida Madax dhaqameedka Somaliland Boqor Raabi Cabdilaahi.

Boqorka ayaa loo heysta in uu dhawaan booqday magaalada Muqdisho oo booqashadeeda hore xabsi ugu muteystay.

Boqor Raabi ayaa ka mid ah madaxdhaqamedyada kooban e edhaliila xukuumada uu madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyo.

Waana sababtaa ayay dad badani qabaan in ay tahay ta dhabta ah ee uu xabsiga ugu jiro dacwadana loogu soo oogay.

Maxkamada Goloka Hargeysa oo dhgeysatay dacwada Khiyaamada Qaran ee xeer ilaalintu boqorka ku so ogtay ayaa maanta loo balan san yahay in ay goaan ka soo saarto dacwada Boqorka.

Xariga Boqor Raabi ayaa waxa baaqyo canbaareyna ka soo saaray qeybaha kala duwan ee Bulshada.

SDN-Hargeysa

hargeysa@qurbejoog.com

Comments are closed