Maxkamada Gobolka Hargaysa oo La Filayo inay Beri ku dhawaaqdo Xukunka Dilkii Foosha Xumaa ee Marxuumad Ruqiya Siciid
Hargaysa 29.April 2014 (SDN)- Maxkamadda Gobolka Marodijeex Hargeysa,ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo Xukunka iyo go,aanka ay ka gaadhay eedaysanayaadha dilkii loo geystay Allaah ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo 24 bishii labaad lagu dilay guri yaalla magaalada Hargeysa oo meydkeeda laga laga soo saaray god.
Xoghayaha guud ee Golaha Wakiiladda Somaliland Cibdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo ahaayeen Marxuumad Ruqiya,ayaa ka warramay halka uu marayo kiiska eedaysanayaasha loo haysto dilka walaashii oo uu sheegay inuu geba gebo yahay isla markaana la filayo in Maxkamadda Gogolka Hargeysa ay soo gunaanado kuna dhawaaqdo xukuka iyo go,aanka ay Maxkamadu ka gaadhay,kaasoo laba maalmood dib u dhacay.
“Kiiskan Dilka ahaa waxa uu dhacay 24kii bishii Labaad Maydkii Marxuumada Ruqiyana waxa la helay labadii bisha imika waxa laga joogaa laba bilood Runtii kiiskaasi haday tahay booliska haday tahay laamaha sirdoonka iyo haday tahayba maxkamada dhamaan hawshaasi si fiican ayey uga soo baxeen.”
Sidoo kale waxa uu ka hadlay Goorta uu Maxkamada usoo gudbay kiiska Ruqiya Siciid ayaanle iyo tallaabooyinka ay qaaday illaa hadda Maxkamaddu.
“Kiiskani waxa uu Maxkamada Gobolka Hargaysa usoo gudubtay ilaa imika mudo bil ah ayuu kiiskani Maxkamada yaalay waxaana laga dhagaystay Shan dhagaysi Waana Kiiskii Ugu Dheeraynayey Marka la barbar dhigo kiisaska Noocan oo kalaa ee dilka ah,waxaana uu ahaa hawl xil aad u wanaagsan la iska saaray,waxaana uu kiisani lasoo gunaanaday khamiistii Dhawayd,Guddoomiyaha Faysal oo aan runtii si aad ah ugu mahad naqayo waxa uu noogu dhawaaqay in Sabtida soo gaba-Gabayn doono kiiskan waxaana sabtidii naga soo dhexe galay in la tukanayey roob doonta uu Madaxwaynaha somaliland uu iclaamiyey sidaas awgeed ayaa uu maalinta sabtida diba uga dhacay.”
Waxaa kaloo uu Cabdirisaaq Siciid Ayaanle sheegay in Maxkamadda ay ballansanayeen maalintii sabtidii taasoo uu sheegay inay ku soo begantay maalintii dalka laga oogayay sallaaddii Roob doonta.
“Runtii Axadii Iyana meesha waanu nimi laakiin xaga xidhiidhinta am soo saaristii Ayaan suuro galin macaa askartii way yimadeen laakiin in lasoo saaro taasi may dhicin lakiin anigu shalay ayaanu kulanay anigu garsooraha Maxkamada Waxaana uu noo sheegay in lagu dhawaaqayo maanta Kiiskii oo ay iyaguna qoreen warqadii lakiin waxaad la socotaan in ay baryaha jireen hawsha xisbigii KULMIYE oo qabsanaya shirwaynahii saddexaad isla markaasna amaankiisa si aad ah loo adkeeyey Madaxwaynaha somaliland furayey Markaas in lagu dhawaaqo natiijada waxa dib udhigay shirwayana xisbiga KULMIYE.
Waxaanu intaa raaciyay oo uu hadalkiisa ku daray xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
“Waxa kale oo ay u baaqatay Ayaan odhan karaa waxa maanta Iyana maxkamada la hor keenayey ragii maxaabiista ahaa ee Iyana ku xidhnaa xabsiga wayn ee magaalada hargaysa ee kasoo daatay iskuna dayey in ay baxsadaan arinkaas marka lasoo saarayo aad iyo aad ayaa loo ilaaliya waana arin xasaasi ah sidaas Ayaan u arkaa in ay arintayadu u baaqatay.
Ugu dambaynna waxa uu sheegay inay ku qanci doonaan go,aanka ka soo baxa garsoorka dalka isla markaana wixii dadka reer Somaliland qanciya qoys ahaanna aanay ka weynayn.
“Aniga oo ku hadlaya qoyskii ay ka baxday Ruqiya Siciid Ayaanle waxaan leeyahay go’aanka ay ka qaadato cadaaladu ayaanu qaadan doonaa waxa ay shacabiga reer somaliland ka qabaana waanu ku qanci doonaan u aragno in maxkamada galin doonto arin mad-Madaw ah lakiin waxa lagu dhur sugi doonaa go’aanka cadaaladda”
Hargaysa SDN/QJ.