Maxkamada Gobalka Maroodi jeex oo go,aan ka soo saartay dacwadii samafale Abdimalik Coldoon
Muqadishu Khamiis February 3,2022 (QJ) maxkamada gobalka maroodi jeex ayaa go.aan ka soo saartay dacwadadii Abdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii ugu danbeeyey ka socotay maxkamada gobalka Maroodi jeex.
Maxkamada ayaa sheegtay inay wax denbi ah ku wayday eedaysane Abdimaalik Coldoon
Abdimaalik Coldoon ayaa 19 August 2021 laga soo xidhay magaalada Burco ka dib markii lagu eedeyey inuu warar been abuur ah ka faafiyey dugsiga Abaarso iyo jaamacada Barwaaqo University.
Xeer ilaalinta ayaa la sheegay inay racfaan ka qaadatay go,aanki maxkamada gobalka
Ka dib markii ay ku qanci waayeen qaraarka Maxkamadda gobalka Maroodi jeex oo gabi ahaanba ka dhigaya Coldoon inaanu wax danbi ah lahayn.
Maxkamada ayaa bilihii ugu danbeeyey dhagaysanaysay dacwada iyadoo dhibanayaashu maxamada horteeda ka jeediyeen eedaha ay u haystaan Coldoon.
Coldoon ayaa isna dhankiisa iska difaacay eedaha loo jeediyey
Xdhiga Coldoon ayaa yimid ka dib markii ay dacwadi uga timi maamulka dugsiga Abaarso iyo jaamacada Barwaaqo oo ku eedeyey inuu ka faafiyey warar been abuur ah . Ka dib markii uu sheegay in lagu faafiyo diinta Masiixiga