|

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada oo Xukuno Xadhiga ah Ugu bedeshay Xubno ay Hore ugu Xukuntay Dil

Hargaysa 01.April { SDN }  Maxkmada sare ee ciidamada Somaliland, ayaa maanta ka gaadhay  go’aan kama dambays  22 nin  hore 17 ka mid ah hore  dil loogu xukumay, ka dib markii lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadeen   xero ciidamo leeyihiin badhtamihii sannadkii hore.

Waxaana  maxkmadu fadhi ay maanta yeelatay  xukun 22 sanno ah  ku riday 17 ninkii dilka ku xukunaa,kuwaasoo la sheegay in laga khafiiyey xukunkii hore.

Shan nin oo iyana xabsi daa’in ku xukunaa, waxa hadda ay xukuna yihiin  min 15 sanno oo xadhig ah , iyada oo xukunkooda loo cuskday xeerka ciqaabka guud ee ciidamada 109 Ilaa 117

Dadkan Ayaa Hore loogu eedeyay in ay Dagaal Ku Qaadeen Xerada Soodanta oo ay degenaayeen Ciidanka Qaranku waxan halkaasi Sanad ka hor ku dhex maray Ciidankii xeradaasi Ilaalinayey iyo Kooxdaasi Dagaal.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed