Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo Rag Shabaabka ka tirsanaa xukuno ku riday
Muqdisho Nov 02,2012(SDN)-Maxkamada ciidamada ee dawlada Soomaaliya ayaa shalay xukuno kala duwan ku riday rag dhawaan lagu soo qabqabtay hawlgalo ay ciidamadu ka fuliyeen Muqdisho.
Raga la soo qabqabtay oo ahaa 17 ayaa maxkamadu ku riday xukuno kala duwan oo la xidhiidha ka qeybqaadashada falal argegixiso iyo ka mid ahaashaha Shabaabka.
Liban Cali Yarow oo ah xaakim ka mida kuwa Maxkamada Ciidamada ayaa saxaafada u sharaxay sida xukunadu ugu kala dheceen raga la soo eedeeyay.
Sideed ka mida raga denbiga lagu helay ayaa xukun Shansanadood ah lagu riday ka dib kolkeey ku cadaatay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab.
Maxkamada ayaa sideed kale amartay in dhaqancelin lagu sameeyo si looga meero afkaarta guracan ee lagu shubay,halka ruux kalena ay maxkamadu sii deysay.
Maxkamada ciidamada ayaa goaankani yahay kii labaad ee ay todobaadkan rido,ka dib kolkii rag lagu qabtay maandooriyeyaal ay todobaadkan xukuno ku riday.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com