Maxkamada ciidamada Puntland oo rag iyo Dumar ku riday xukun
Bossaso Fubruary 10, 2024 (QJ) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland oo fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso ayaa xukun min toban sano ah ku xukuntay afar qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Afar ka mid ah dadka la xukumay oo rag ah ayaa lagu eedeeyay in ay taageero siinayeen kooxda Al-Shabaab.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale min shan sano oo xarig ah ku xukuntay ruux oo dumar ah oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen kooxda.
Xukunnadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Boosaaso kusoo bateen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo ciidamada lagu eedeeyay inay si hufan wax uga qaban waayeen dhibaatooyinka amni ee ka jira magaalada.
Sidoo kale, Khamiistii lasoo dhaafay, ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaad ajaaniib ah oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish. Waxaana lagu qabtay deegaan ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari.