|

Maxkamad Mareykanka ku taal oo 13 Soomaali ah xukun ku riday

Alexandria May 20,2012(SDN)-Sadex iyo toban ruux oo isugu jira Rag iyo Dumar ka kooban Soomaali iyo Yeman ayaa maxkamad Alexandria ku taal xukun ku riday ka dib kolkii lagu qabtay maandooriyaha Qaadka.

Xukunkan ayaa maxkamadu ku riday Soomaalida iyo Yementa ka dib kolkii dhegeysiga dacwadoodu socotay mudo Bil.

Ciidamada Booliska ee qabtay dadkan ayaa sheegay in dadkani ay ahaayeen shebekadii Qaadka ee ebid ugu badneyd ee ay qabtaan.

Dadkan ayaa Boolisku sheegeen in ay sanadii Qaadka ka sameynayeen aduun dhan ilaa $5 million oo dollar.

Qareen ka mida kuwii difaacayay Soomaalida oo la yidhaahdo Frank Salvato ayaa sheegay in dadka aan mid walba gooni xaaladiisa loo eegin sidaa awgeedna ay ka fiirsanayaan sidii ay racfaan u qaadan lahaayeen.

SDN-Alexandria

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed