|

Maxkamad Mareykan ah oo Haweeney Somali ah u xukuntay in aaney Khasab aheyn in ay Xaakim isu Taagto

Rochester June 05,2012(SDN)-Haweeney Soomaali ah oo lagu hesysto in ay lacago u uririsay kooxda Al Shabaab ayaa horaantii dhegeysiga dacwadeeda waxa ay diiday in ay isu taagto Xaakimka.

Haweeneydan oo la yidhaahdo Amina Farax Cali ayaa maxkamada waxa ay u xaqiijisay in Diinteeda Islamku u fasixin in cidna ay isu taagto.

Micheal Devis oo ah Xaakimkii dhegeysanayay dacwada ayaa ku adkeystay in ay tahay in ay maxkamada xushmeyso oo ay isu taagto maxkamada.

Xaakimka ayaa intaa ka dib ku oogay in ka badan 20 eed oo diidmada la xidhiidha.

Hadaba Maxkamada nooca racfaanka ah oo ay Amini ka qaadatay goaankaas ayaa u xukuntay in aaney aheyn in ay isu taagto maxkamada.

Waxa iminka halkaa ka sii socon doona dhegeysiga dacwadii hore ee la xidhiidhay lacago ay Dumar Soomaali ahi u ururiyeen kooxda Al Shabaab.

SDN-Rochester

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed